Hotel caan ah oo ku yaala London oo dab qabsaday [Sawirro]

Image
Image
Image

LONDON, UK- Hoteelkaan oo ku yaalla degmada Knightsbridge, oo ka tirsan Magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ayaa waxaa lagu magacabaa Mandarin Oriental, kaasi oo ah mid si wayn loo yaqaan.

Dabka ayaa ka kacay qeybaha sare ee Mandarin Oriental Hotel, iyadoo aan la ogeyn waxa uu ka dhashay Dabkaan, balse Booliska ayaa waxay ku howlan yihiin inay ogaadaan waxa sababay.

Dab-damiyaasha ayaa ku howlan inay damiyaan Dabka, kaasoo qabsaday inta badan guud ahaan qeybta dhisamaha uu ka kooban yahay Hotel-ka.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay Dabka, iyadoo shaqaalaha ay rumeysan yihiin in dhamaan dadkii ku sugnaa Hoteelka gudhiisa ee martida ahaa in laga so daabulay gudaha Hoteelka.

Mandarin Oriental oo kamid ah kuwa ugu waa weyn uguna caansan UK, ayaa waxaa dabkaan qabsaday uu imaanayaa iyadoo dhawaan uu ku dhawaaqay qorshe dib u dayac-tir loogu sameynayo.

Inta badan martida Hoteelka waa qoyska Boqor ee dalka Ingiriiska, sida laga soo xigtay Website-ka Hotel-ka.

Waxaa la dhisay Hotel-ka sanadkii 1963 waxaana uu kamid yahay kuwa loogu jecel yahay dalka Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM