Iiraan oo eedeyn iyo digniin u dirtay Mareykanka

Image

TEHRAN, Iran – Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran, Mohammad Javad Zarif, ayaa Khamiistii ku eedeeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu isku dayayo inuu ku been abuurto weerar ka dhan ah Iran, wuxuuna sheegay in Tehran ay si xooggan isku difaaci doonto.

Dhanka kale, lataliyaha militariga ee hogaamiyaha sare ee Iran ayaa Trump uga digay "in uusan dabaaldega sanadka cusub uusan Ameerikaanka ugu rogin in ay ku baroor-diiqaan magaalada New York".

Zarif ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka: “Intii uu la dagaalami lahaa dhibaatadda Covid ee Mareykanka, @realDonaldTrump iyo nacam-leeyeyaashiisa waxay balaayiin Doolar ku bixinayaan in ay gobolkeena keenan diyaaradaha dagaalka. Macluumaadyo sirdoon oo laga helayo Ciraaq waxay muujinayaan in la isku dayo dagaal been abuur ah".

Milatariga Mareykanka ayaa Arbacadii labo diyaaradood oo nooca wax ku gumaada Nukliyeer u diray Bariga Dhexe, talabadaas oo lagu qeexay fariin ay ku cabsi-gelinayaan Iiraan, balse diyaaradahan duqeynta geystay waxaa lasoo wariyey in ay dib uga baxeen gobolka.

Pentagon-ka ayaa Khamiistii shaaciyay in markabka xamuulka qaada ee Nimitz, oo ku sugnaa meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, uu dib ugu laaban doono dekad aan la carabaabin kuna taala Mareykanka.

Xilli kalkii hore uu ka howlgalayay Bariga Dhexe, qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay tahay in loo arko isku day lagu yareynayo xasaradaha ka taagan gobolka.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray walaac iyo feejignaan dheeri ah oo ku saabsan waxa ay xoogagga ay taageerto Iran ay sameyn karaan inta lagu guda jiro sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay weerarkii 3-dii Janaayo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ku qaadeen Ciraaq oo laguna dilay Jeneraalkii ugu sarreeyay Iran Qassem Soleimani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM