Ilhaan Cumar oo cambaareysay cafis uu sameeyay Trump

Image

WASHINGTON, US – Cafiska Madaxweyne Trump u sameeyay afarta ilaaliye ee kamidka ahaa Blackwater ee loo xukumay dilka 14 qof oo rayid Ciraaqiyiin ahaa wuxuu ahaa "wax laga xumaado," ayay ka dhawaajisay Ilhan Omar.

"Sannadkii 2007, afar qandaraaslayaal Blackwater ah ayaa rasaas ku furay isgoyska dadku ku badan yihiin ee magaalada Baqdaad, halkaas oo ay ku dileen 14 qof oo rayid ah oo reer Ciraaq ah," ayay Ilhaan kusoo qortey barteeda Twitter-ka kadib war-saxaafadeedka kasoo baxay Aqalka Cad.

Xildhibaanadda ayaa hadalkeeda intaas ku dartey: "Toddobaadkan, Donald Trump wuxuu siiyay cafis shuruud la'aan ah. Tani waxay sharaf dhac ku tahay dalkeenna iyo ku dhaqanka sharciga".

Ilhaan oo Mareykanka ku gashay qaxooti ahaan markii qoysaskeeda uga qaxeen Soomaaliya sababo ku aadan colaada ka jirtay ayaa sheegtay in talaabada Trump ay dureyso farqiga dilka saxda ah iyo kan ola-kaca-ah.

Shaqsiyaadka uu saamaxay Trump ayaa ahaa qandaraaslayaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Falka ay ku laayeen muwaadiniinta Ciraaq ee uu ku jiro cunug yar wuxuu dhacay 2007-dii.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal waqtigaa ka akdhowaa goobta, waxaa dhacdadaas ku dhaawacmay 17 kale oo meesha joogay.

Qareenada difaacaya ragga ayaa ku dooday in ay rasaasta rideen kadib markii ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen kooxaha kacdoonka Ciraaq.

Nicholas Slatten oo lagu helay dil darajada koowaad ayaa lagu xukumay xabsi daa’in bilaa cafis ah. Dacwad oogeyaashu waxay sheegeen inuu isagu ahaa qofkii koowaad ee xabadda riday iyadda oo aan la daandaansan.

Paul Slough, Evan Liberty iyo Dustin Heard ayaa lagu xukumay dil toogasho ah sanadii 2014 kadib dacwad mudo bilo qaadatay ka socotay maxkamada federaalka ee Washington.

Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad oo lagu shaaciyay cafiska madaxweynaha 22-kii bishii Diseembar ayaa lagu sheegay in go’aanka uu ku yimid taageero ballaaran oo dhinaca shacabka ah, waxaana intaa raacisay in raggaasi ay leeyihiin "taariikh dheer oo ay Qaranka ugu adeegayeen".

Trump ayaa talaabooyinkan qaadaya iyadda oo maalmo qura ay uga harsan tahay waqtiga uu xilka ku wareejinayo madaxweynaha la doortey Joe Biden kaasoo kaga guuleystay doorahooyinkii qabsoomay bishii November, 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM