​Ilhaan Cumar oo loo hanjabay

Image

Gabadhii ugu horaysay oo Muslim Somalia ah ee Xildhibaan ka noqota dalka Maraykan ayaa sheegtay inay la kulantay handadaad iyo ficil Islaam nacayb ah Arbacadii lasoo dhaafay, sida aan kasoo xiganay barteeda ay ku leedahay Facebook.

Ilhaan Cumar, oo ah Xildhibaan laga soo doortay magaalada Minnesota ee carriga Maraykanka, ayaa sheegtay inuu u hanjabay qof wade ka ahaa Taxi gayn lahaa hotel ay ka dagantahay magaalada Washington DC.

Haweynaydan 34 jirka ah oo taariikh cusub ka dhigtay dalkaas, ayaa sheegtay in wadaha Taxigaasi uu ugu yeeray inay katirsantahay ururka Daacish islamarkaana uu kasiibi doono dharka asturan ee ay xirtahay.

Hanjabaadan, ayay xustay inay la kulantahay kadib mar ay kasoo laabatay tababar uga socday Aqalka cad oo ay ku baranaysay shuruucda gobollada dalkaas qarkood.

Ilhan Cumar oo katirsan golaha Senate-ka dalkaas iyo Xisbiga Dimuqraadiga ayaa waddankaasi timid iyadoo 12 jir ah, waxaana ay tilmaamtay  inay dhacdadan wali ka naxsantahay.

Booliiska Washington, ayaase warbaahinta u sheegay in illaa iyo hadda aysan soo gaarin wax dacwad ah oo falkaasi la xiriira.

Qoftan, ayaa doorashadeeda timid xilli Madaxweynaha dhawaan la doortay Somalida Maraykanka ku sifeeyay inay ku biiraan Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM