In ka badan 100 qof oo kuleyl daran ugu dhintay Canada

Image
Image
Image
Image

TORONTO, Canada - Tobanaan dad ah ayaa waxay ku geeriyoodey dalka Canada iyadoo lagu jiro kuleyl aan horay loo arag oo jabiyay diiwaanka heerkulka taariikhda ee soo martay waddankaas.

Booliska Vancouver ayaa ka jawaab celiyay in ka badan 130 dhimasho lama filaan ah tan iyo Jimcihii. Badankood waxay ahaayeen da 'waayeel ama waxay ku jireen xaalado caafimaad".

Taliska booliska ayaa wuxuu intaas ku daray in kuleylka uu ka qayb ka qaadanayo kiisas badan ee dhimashadda kuwaas oo lasoo wariyey saacadihii aynu kasoo gudubnay.

Maalintii Talaadada, Kanada waxay diiwaangelisay heerkulkeedii ugu sarreeyay abid saddex maalmood oo xiriir ah - 49.5C (121F) - gudaha magaalada Lytton ee gobolka British Columbia.

Todobaadkan ka hor, heer kulka dalka waligiis ma dhaafi jirin 45C. Kuleylka badan waxaa la sheegay in ay sabab u tahay isbedel dhanka cimilada oo ka jira waqooyi-galbeed Mareykanka iyo Kanada.

Khubarada ayaa sheegaya in isbedelka cimilada la filayo inuu kordhiyo soo noqnoqoshada kuleylka. Si kastaba ha noqotee, isku xirka dhacdo kasta oo ka socota kuleylka adduunka ayaa ah mid adag.

Kuleylka xad-dhaafka ayaa sidoo kale waxaa laga soo sheegayaa qaar kamid ah wadamadda Yurub iyo magaalooyin ku yaala Mareykanka, hase ahaatee, ma gaarsiisana sida waddanka Canada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM

XOG CUSUB: Halkee Israel kasoo qaadey weerarkii ay ka fulisay Qatar?

Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo Mareykan ah, weerarka waxaa fuliyay 12 diyaaradood oo dagaal oo Israa’iili ah—8 F-15 ah iyo 4 F-35 ah.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:01AM