​In kabadan 155 qof oo lagu dilay duqayn ka dhacday Yemen

Image

Duqayn xoog leh oo ka dhacday waddanka Yemen, ayaa waxaa ku geeriyooday in kabadan 150 ruux, halka dhaawaco kor u dhaafayo 500 oo qof.

Weerarkan oo lagu eedaynayo inay fuliyeen Ibahaysiga uu hogaaminayo Sucuudiga, waxaana lala eegtay dad ka qayb galay Tacsi oo ku sugnaa caasumadda Waddankaasi ee Sanca.

Dadka waxay u tacsiyeynayeen wasiir ka mid ah dowladda Xuutiyiinta oo aabihii uu dhintay.

Iskuduwaha arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobeey ee dalka Yaman, Jamie McGoldrick, waxa uu sheegay in shaqaalaha arrimaha gargaarka ay ka caroodeen duqeynta.

Dowladda Mareykanka ayaa duqeynta kaddib sheegtay inay dib u eegeyso ama yareyneyso taageerada ay siiso isbeheysiga Sucuudiga.

Wakaaladda wararka ee Saba, oo xiriir la leh kooxda Xuuthiyiinta ee raacsan Iran, ayaa ku mas'uuliyadda weerarkan dusha uga tuurtay xulafada Boqortooyada Sacuud Carabiya.

Balse, arrintaasi waxaa beeniyay Isbahaysiga uu horboodayo Sacuudigu, waxayna sheegeen in duqayntaas aysan gaysan diyaaradahooda.

Tirada dhimashada ayaa waxa ay ahayd tii ugu badneed tan iyo markii uu isbeheysiga Sucuudiga uu hogaaminayo bilaabay howlgallada military ee lagu wiiqayay awoodda Xuutiyiinta islamarkaana lagu doonayay in quwada gacanta loo galiyo Madaxweyne Abdul-Rabbu Mansour Hadi ka dib markii laga saaray caasimada Sanca bishii March 2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: Wadahadal Iiraan lala bilaabay — maxaa dhab ah?

In ka badan 2,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalkan, badankoodna waxay….

  • Caalamka

    23-03-2026

  • 06:58PM

Mareykanka iyo Israa’iil oo lagu eedeeyay inay buunbuuninayaan guulaha ay ka gaareen dagaalka Iran

Madaxweynaha ayaa bartiisa Truth Social ku sheegay inuu dib u dhigi doono weerarada ilaa dhammaadka toddobaadka.

  • Caalamka

    23-03-2026

  • 02:55PM