​In kabadan 43 qof oo ku dhintay Dab ka kacay Portugal

Image
Image

Dad gaaraya afartan iyo seddex qof ayaa ku dhintay, konton kalena waa ay dhaawacmen ka dib markii uu dab ka kacay keyn ku taala magaalada Pedrógão Grande ee bartamaha dalka Burtuqiiska.

Inta badan dadka ay waxyeelada ka soo gaadhay dabkani ayaa dhintay iyagoo ku dhex jiray baabuurtooda, waxaana gudaha baabuurtii ay wateen ugu galay uuro iyo holaca dabka.

Meydadka seddex qof oo kale ayaa laga helay meelo u dhaw xabaal ku taala magaaladaasi, kuwaas oo la rumesanyahay in ay u dhinteen dhaawac ka soo gaaray dabka.

Boqolaal katirsan waaxda dab damiska ee dalka Burtuqiiska ayaa la tacaalaya xaalada, kuwaa oo isku dayaya inay baqtiyaan dabka, balse dhinaca kale duqa magaalada uu dabka ka kacay oo la yirahdo Mr Valdemar Alvesqof ayaa sheegay in dad demiyaasha aysan ku filneyn wax ka qabashada baaxada baaxada dabka ka kacay keynta.

BBC

Related Articles

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM