​India: Dabaal-dag sababay dhimashada 100 ruux

Image

DELHI- Boliiska dalka India ayaa xaqiijiyay dhimashada 100 ruux oo geeriyooday xilli loo dabaal dagayay sannad cusub oo dalkaas laga maamuuso, waxaana dhimashada keentay qarax iyo dab ka kacay waxyaabo la rido marka la dabaal dagayo.

In kabada 200 ruux ayaa dhaawacantahay, waxaana halkaasi booqanaya Ra'isal wasaaraha dalkaasi.

Dhibka ayaa ka dhacay magalo xeebeedka Paravur gaar ahaan macbad maamuuska laga dhigayay, waxaana goobta ka muuqda burbur xooggan iyadoo saka la bilaabay faagista  dhismaha dumay.

Falkan ayaa dhacay xilli habeen ah, waxaana dowladda dalkaasi sheegtay inaysan bixin amar dadkaasi u ogolaanaya inay isticmaalaan waxyaabaha qaraxa dhaliya.

Dadka dhaawacmay badankood aad ayay u liitaan, waxaana lagu dawaynayaa kuuliyad caafimaad oo ay dawladdu leedahay.

Dhakhaatiirta takhasuska leh ayaa laga soo diray Delhi, waxaana la soo sheegayaa in ay jiraan dad uu jidhkoodu aad u gubtay.

Saraakiisha ammaanka aya kusoo waramay inay xaaladdu dagantahay islamarkaan wadaan gurmadka loo fidinayo dadka waxyeelloobay, waxayna sidoo kale shaaciyeen in dhismaha bur buray weli laga baadi goobayo dad ku jira.

Waddanka Hindia ayaa kamid ah dalalka inta badan masiibooyinku ka dhacday, waxana dhawaan dhisme dumay ku dhimatay ku dhawaad boqol ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM