​India: Dad luga helay dilka muslimiin oo la xukumay

Image

Maxkamad ku taal gobolka Gujarat ee Hindiya, ayaa ku heshay 24 ruux dambi ah dil wadareed loo geystay Muslimiin oo noqday kii ugu xumaa dagaal dhexmara qowmiyadaha ilaa markii ay xorriyadda qaateen.

11 ayaa lagu helay dambi dil ah, iyadoo maxkamaddana sii deysay 36 kale.

Maxkamadda sare ee Hindiya, ayaa amartay in dib loo baaro xasuuq dhacay sanadkii 2002 oo loo geystay 69 Muslimiin ahaa oo gabbaad ka dhigtay dhismooyin la degganaa magaalada Ahmedabad.

Dadkaasi, ayaa la jarjaray ilaa ay ka dhintaan iyadoo meydadkooduna la gubay.

Ra'iisul wasaaraha Hindiya ee xisbiga Hinduga, Narendra Modi, ayaa xilligaasi madax ka ahaa Gujarat. Wuxuuna beeniyay inuu indhaha ka qabsaday dilkaas.

Kuwa dhaliila, ayaa ku doodaya in diiwaankiisu ka dhigayo mid aan ku habooneyn inuu matalo dhammaan Hindiya.

BBC

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM