​India: Nin dilay 14 katirsan qoyskiisa

Image

Nin u dhashay dalka  India ayaa tooray ku dilay 14 kamid ah qoyskiisa xilli ay jiifeen, waxaana dadka uu laayay kamid ahaa 7 carruura. 

Dambi baarayaal gacanta ku haya kiiskaasi, ayaa aaminsan in dil wadareedkan la xiriirto hantida qoyskaasi, waxayna Boliisku sheegayaan in dhacdadan kusoo wargaliyeen dad ka agdhawaa goobta weerarku ka dhacay, kadib markii ay maqleen qaylada haweenay la dhalatay ninka dilka gaystay taasoo weerarka ka bad-baaday.

Boliisku waxay sheegeen inuu falkan ahaa mid uu sii qorsheeyay dambiiluhu kadib markii uu xiray dhammaan albaabada guriga. 

Ninka weerarka gaystay, ayaa markii dambe isdilay kahor intaysan Boliisku goobta imaan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM