Indonesia oo ka noqotay xayiraad ay saartey dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image

JAKARTA, Indonesia – Dowladda Indonesia ayaa si rasmi ah waxay u shaacisay in laga bilaabo Isniinta soo aadan ay ogolaaneyso sideed dal oo Soomaaliya ku jirto in laga soo dalban karo dal ku galka ama fiisaha waddankaas.

Wadamadaas loo fasaxay dalbashada fiisaha Jakarta ayaa kala ah; Afghanistan, Cameroon, Guinea, Israel, Liberia, Nigeria, North Korea, iyo Somalia.

Sidda ay warisay saxaafadda, inta badan dalalka laga soo dalbanayo fiisaha waxaa loo tixgeliyaa in ay ka mideysan yihiin fekerka, siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshadda, dhaqanka, difaaca, socdaalka iyo arrimo kale.

Dadka dalbanaya fiisaha ayaa lagu wargeliyey in codsiyadooda ay ku hagaajin karaan ciwaanka www.visa-online.imigration.go.id.

Afhayeen u hadlay waaxda fiisaha, Arvin Gumilang, ayaa daah ka rogay in dib-u-bilaabada ay ka dambeysay markii Covid-19 uu kal hore hakiyey.

"Waxaan u furnay si ay dib ugu midoobaan qoysaska, maalgashiga ganacsiga iyo ujeedooyin kale oo dhanka shaqada," ayuu ku yiri war-saxaafadeed.

Sikastaba ha ahaatee, dadka soo dalbanaya fiisaha waxaa loo ogol-yahay in ay kaliya kasoo degaan garoomada diyaaradaha ee Soekarno Hatta Airport oo ku yaala caasimadda Jakarta ama Ngurah Rai Airport oo dhaca Bali.

Indonesia ayaa ku jirta wadamada sanadihii ugu dambeeyay ay aadka u booqaneyso Soomaalida kuwaasoo u tegaya dano waxbarasho iyo qaxootinimo, waxaana muwaadiniintii halkaas tegay ay xuseen in lasoo dhaweeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM