Indonesia oo ka noqotay xayiraad ay saartey dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image

JAKARTA, Indonesia – Dowladda Indonesia ayaa si rasmi ah waxay u shaacisay in laga bilaabo Isniinta soo aadan ay ogolaaneyso sideed dal oo Soomaaliya ku jirto in laga soo dalban karo dal ku galka ama fiisaha waddankaas.

Wadamadaas loo fasaxay dalbashada fiisaha Jakarta ayaa kala ah; Afghanistan, Cameroon, Guinea, Israel, Liberia, Nigeria, North Korea, iyo Somalia.

Sidda ay warisay saxaafadda, inta badan dalalka laga soo dalbanayo fiisaha waxaa loo tixgeliyaa in ay ka mideysan yihiin fekerka, siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshadda, dhaqanka, difaaca, socdaalka iyo arrimo kale.

Dadka dalbanaya fiisaha ayaa lagu wargeliyey in codsiyadooda ay ku hagaajin karaan ciwaanka www.visa-online.imigration.go.id.

Afhayeen u hadlay waaxda fiisaha, Arvin Gumilang, ayaa daah ka rogay in dib-u-bilaabada ay ka dambeysay markii Covid-19 uu kal hore hakiyey.

"Waxaan u furnay si ay dib ugu midoobaan qoysaska, maalgashiga ganacsiga iyo ujeedooyin kale oo dhanka shaqada," ayuu ku yiri war-saxaafadeed.

Sikastaba ha ahaatee, dadka soo dalbanaya fiisaha waxaa loo ogol-yahay in ay kaliya kasoo degaan garoomada diyaaradaha ee Soekarno Hatta Airport oo ku yaala caasimadda Jakarta ama Ngurah Rai Airport oo dhaca Bali.

Indonesia ayaa ku jirta wadamada sanadihii ugu dambeeyay ay aadka u booqaneyso Soomaalida kuwaasoo u tegaya dano waxbarasho iyo qaxootinimo, waxaana muwaadiniintii halkaas tegay ay xuseen in lasoo dhaweeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM