Ingiriiska oo cabsi ka qaba amniga Soomaaliya [Digniin cusub]

Image

LONDON - Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in cabsi xooggan oo dhanka amniga ay wali ka jirto dalka Soomaaliya, waxayna uga digtay muwaadiniinteeda inay usoo safraan, halka ku joogana loogu baaqay inay kasoo baxaan.

War kasoo baxay Waaxda arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayaa lsgu sheegay inay jirto cabsi ah in la afduubo ama la dilo muwaadiniinteeda, maadaama ay khatarta argagaxiso tahay mid aan la dheelsan Karin, oo wax walba lagala kulmi karo.

Muwaadin kasta oo u dhashay Ingiriiska islamarkaana booqanaya Hargeysa iyo Berbera waxaa loo sheegay inuu feejignaado, oo ka fogaado meelaha dadka ay ku kulmaan, sidoo kalena la socdaan waxyaabaha hareerahooda ka dhacaya.

Qoraalka ayaa lagu yiri: Waa inaysan Muwaadiniinta Britain tagin goobaha ay dibadbaxyada ka dhacayaan, iskuna dayin inay halkaasi sawiro kasoo qaadaan.”

Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in Kooxaha Argagaxisada laga yaabo inay weeraro cusub ka fuliyaan Soomaaliya, iyadoo ay jirto khatar kale oo ku aadan afduubka muwadiniinta ajnabiga ah ee ku sugan dalka.

Somaliland ayaa kamid ah meelaha ay argagaxisadu qorsheynayso inay ka fuliso weerarada lagu beegsanayo dadka ajnabiga ah ee la shaqeeyay hay’adaha reer galbeedka.

Digniinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarada ay yihiin kuwa aan kala sooc lahayn, oo lagu beegsanayo goobaha caanka ah, sida Hoteelada ay degan yihiin mas’uuliyiinta dowladda.

Bishii lasoo dhaafay, Gabar u dhalatay dalka Jarmalka oo la shaqeynaysa ICRC ayaa lagu afduubey magaalada Muqdisho, iyadoo illaa hadda aan la ogeyn halka lagu hayo gabadhaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka tagey Pakistan isaga oo aan la kulmin ergadii Mareykanka

“Wax walba annaga ayaa gacanta ku hayna. Way na soo wici karaan mar kasta oo ay doonaan,” ayuu raaciyay.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:35PM

Al-Sisi oo ka digay “isku dayo ula kac ah” oo Israel ku beddelayso khariidadda Bariga Dhexe

Waxa uu sidoo kale si cad u muujiyay diidmada adag ee Masar ee ku aaddan isku day kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiiniyiinta.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:07PM