Iraq oo joojisay Aftida Kurdiyiinta

Image

BAGHDAD, Somalia - Maxkamadda Sare ee dalka Iraq ayaa amartay in la joojiyo qorshaha aftida madax-banaanida gobolka Kurdistaan, oo lagu wado in la qabto 25-ka bishan September.

Go'aan kasoo baxay Maxkamada ayaa lagu sheegay in aftida gobolka Kurdiyiinta ay tahay mid sharci darro ah, oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka Iraq.

Ra'iisul Wasaaraha Iraq Haider al-Abadi, ayaa dalbaday dhawaan in la hakiyo aftida laga qaadayo shacabka gobolka Ismaamulka Kurdistaan, oo doonaya inay ka go'aan dalkaasi.

Baarlamaanka Iraq ayaa aad uga soo horhaystay Aftida, kadib markii uu kulan ku yeeshay todbaadkan magaalada Baghdad.

Mareykanka, QM, Iran iyo Turkiga ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo Aftida madax-banaanida Kuriyiinta, oo ay ku tilmaameen mid dhaawaci kara howlgalka lagu wiiqayo awooda Daacish-ka dalkaasi.

Madaxweynaha Kurdiyiinta Iraq Massoud Barzani, ayaa sheegay in shacabkiisa ay gaareen go'aan ah inay ka go'aan Iraq inteeda kale, isagoo intaasiku daray inuu diyaar u yahay wahadal inuu arrintaasi kala yeesho maamulka Baghdad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM