Iraq oo joojisay Aftida Kurdiyiinta

Image

BAGHDAD, Somalia - Maxkamadda Sare ee dalka Iraq ayaa amartay in la joojiyo qorshaha aftida madax-banaanida gobolka Kurdistaan, oo lagu wado in la qabto 25-ka bishan September.

Go'aan kasoo baxay Maxkamada ayaa lagu sheegay in aftida gobolka Kurdiyiinta ay tahay mid sharci darro ah, oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka Iraq.

Ra'iisul Wasaaraha Iraq Haider al-Abadi, ayaa dalbaday dhawaan in la hakiyo aftida laga qaadayo shacabka gobolka Ismaamulka Kurdistaan, oo doonaya inay ka go'aan dalkaasi.

Baarlamaanka Iraq ayaa aad uga soo horhaystay Aftida, kadib markii uu kulan ku yeeshay todbaadkan magaalada Baghdad.

Mareykanka, QM, Iran iyo Turkiga ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo Aftida madax-banaanida Kuriyiinta, oo ay ku tilmaameen mid dhaawaci kara howlgalka lagu wiiqayo awooda Daacish-ka dalkaasi.

Madaxweynaha Kurdiyiinta Iraq Massoud Barzani, ayaa sheegay in shacabkiisa ay gaareen go'aan ah inay ka go'aan Iraq inteeda kale, isagoo intaasiku daray inuu diyaar u yahay wahadal inuu arrintaasi kala yeesho maamulka Baghdad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hogaamiyaasha Yurub oo indhaha ku hayo Kulanka Trump iyo Putin ee ka dhacaya Alaska

Madaxweyne Putin ayaa weli ku dheggan dalabkiisii ahaa in Ukraine noqoto dal aan dhex dhexaad ahayn.

  • Caalamka

    13-08-2025

  • 12:54PM

Putin oo Kim Jong Un kala tashaday kulanka Trump ee ku saabsan dagaalka Ukriane 

Waa mar kale oo xiriir toos ah uu dhex maro labada hoggaamiye ee Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.

  • Caalamka

    12-08-2025

  • 06:16PM