Is-afgarad muhiim ah oo dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Balal Maxamed Cusmaan iyo Makhdoom Shah Mehmood Qureshi, ayaa ku kulmay magaalada Niamey ee Niger.

Sidda uu daabacay bogga The Nation, mas'uuliyiinta oo wadahadalo yeeshay ayaa isku arkay meertada 47aad ee Shirka Wasiir Arrima Dibadeedyadda.

Wada-xaajoodyadooda ayay diiradda ku saareen qodobo kala duwan oo khuseeya xiriirka Soomaaliya-Pakistan iyo taageero dano wadaag ah.

Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan oo bayaan soo saarey ayaa Makhdoom uu adkeeyay in ay ka go'an tahay in dowladiisa ay xoojiso cilaaqaadka kala dhaxeeya Muqdisho si gaar ah dhinacyda ganacsiga iyo maalgashiga.

"Iyaddoo la deegsanaya hindisaha 'dhexgalka Afrika' wasiirka wuxuu sheegay in Pakistan ay ahmiyad gaar ah siineyso xiriirka Soomaaliya iyo Afrika," ayaa la raaciyey bayaanka oo lagu soo xigtay hadaladii wasiirku ka sheegay shirka.

Dhankiisa, wasiirka Soomaaliya oo ku nuux-nuuxsaday in ay sii dayaan cilaaqaad dhow ee ay la leeyihiin Pakistan ayaa ku booriyey Islamabad in ay ka faa'iideysato fursadaha ka banaan waddanka si gaar ah maalgashiga iyo ganacsiga.

Taageero dhanka la dagaalanka argagixisadda, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta kheyraadka ayuu waydiistay Pakistan.

"Labada daraf ayaa isku raacay in ay sii wadaan xiriirada dhow ee ay leeyihiin isla markaana isla war-hayo danaha ay wadaagaan," ayaa lagu soo xiray bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, sidda uu wariyey The Nation.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM