Is-caleemo Saarkii Odinga Beesha Caalamka oo ka Wel Welsan Kenya

Image

NAIROBI- Xarig loo gaystey nin ka caawiney Raila Odinga munaasabadii uu isku dhaariyey hogaamiyaha mucaaradka ayaa wadanka Kenya ku soo Jeediyey indhaha caalamka.

Dalka Mareykanka, Midowga Yurub iyo AU ayaa maalinadii Jimcaha, ku baaqey in dib loo soo celiyo kala dambeynta sharciga kadib xariga xildhibaan Tom Kajwang.

Kooxdaan ka tirsan wadamada beesha caalamka ayaa baaqaan jeediyey kadib markii ciidamada amaanka dalka Kenya xabsiga u taxaabeen Garyaqaan Miguna Miguna, taageere Raila oo noqdey dadka aadka u dhaleeceeya dowlada.

Xariga ninkaan ayaa calaamad u ah in shaqsiyaad kale oo door muhiim ah ka qaatey munaasabadii dhaarinta Odinga yihiin bartilmaameed, dadkaan ayaa waxaa kmaid ah ganacsade Jimmy Wanjigi iyo Senator James Orengo.

Xildhibaan Tom Kajwang ayaa damaanad lagu sii daayey halka Miguna isagana Sh50,000 laga dhigey Maxkamada.

Kenya oo lugaha la gashey maalintii Afraad carqalado siyaasadeed, ayaa beesha caalamka waxay bixineynsay digniino ah in la iska ilaalilyo talaabooyinka ka horimaanaya Dastuurka kuwasoo ay qaadayaan Dowlada iyo Mucaaradka 

Mareykanka, oo qoraal adag soo saarey, ayaa ka digey in Kenya ku socoto xaalad lagu xadgudbayo Dastuurka.

"Waan diideynaa ficilada lagu xadgudbayo Dastuurka Kenya iyo sharciga dalka u yaal," sidaas waxaa yiri Heather Naauert, oo u hadashay wasaarada arimaha dibada Mareykanka.

Gabadhaan ayaa sheegtey in dowlada Mareykanka welwel weyn ka qabto Is-caleemo saarka Raila Odinga.

Wadanka Mareykanka ayaa sidoo kale si aan gabasho laheyn u taageerey dib u doorashadii Uhuru Kenyata iyagoo sheegey in Maxkamada Sare taageertey natiijadii ka soo baxdey doorashadii Labaad ee ka dhacdey dalka Kenya.

Odinga ayaa diidey inuu ka qayb galo doorashadaas.

Wasaarada Mareykanka ayaa sidoo kale welwel ka muujisay xariga loo gaystey xarumaha Talafishinada sida gaarka loo leeyahay iyadoo ku baaqdey in dib loo furo.

 

Related Articles

Madaxda dalalka Khaliijka oo Shir Degdeg ah ku yeeshay Saudi Arabia 

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SPA, shirkan waxaa xoogga lagu saaray iskudubaridka dadaallada looga jawaabayo xaaladaha cakiran.

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 06:44PM

Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka United Arab Emirates ee OPEC?

Ururkan waxaa la aasaasay sanadkii 1960 magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Iraq…

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 04:37PM