Isir sifeyn wali lagu hayo Muslimiinta Rohingya

Image

BURMA - Qaramada Midoobay qeybteeda Xuquuqda Aadanaha, ayaa sheegtay in dowladda Burma aaney wali joojin isir sifeyntii ay kuheysay qowmiyadda Rohingya ee dagta gobolka Rakhine.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo lixdii bilood ee la soo dhaafay uu socday olole ay ciidanka Burma ku laynayaan qowmiyadda Muslimiinta ah ee Rohngya, taas oo keentay macluul iyo barakac baahsan.

Dad gaaraya 700,000 ayaa u cararey dalka dariska ah ee Bangladesh, illaa iyo bishii Agoosto ee sanadkii hore.
Xiligaa wixii ka danbeeyey waxaa lasoo warinayey iney ka dhacayaan halkaasi dil, kufsi iyo in dab la qabad siinayo guryaha iyo hantida, taasoo ay kukaceen ciidamada dalkaasi iyo maleeshiyaad iyaga kabarbar dagaalamaya.

Ciidanka military-ga Burma ayaa sheegay iney la dagaalamaan mintidiin Rohngya ah, iyagoo beeniyey iney bartilmaameedsadeen dadka rayidka ee gobolka Rakhine.

"Isir sifeyntii lagu hayey dad asalkoodu kasoo jeedo Rohngya ee kunool dalka Burma wali wuu socdaa," sidaasi waxaa yiri u qeybsanaha xoghayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa dhanka Xuquuqda Aadanaha, Andrew Gilmour.
"Ma u maleynayo in aan soo saari karno natiijo ka duwan wixii aan soo gudbiyey, indhahayga waxaan ku arkey dhahaygana ku maqlay waxey ahaayeen wax calool xumo leh," ayuu yiri ergeyga, isagoo markaa ku sugan degmo ku taalla dhanka koonfureed ee Bangladesh, taasoo hoy u ah inta badan qaxootiga Burma ee dalkaasi ku qaxay.

Madaxda dowladaha Bangladesh iyo Burma, ayaa in muda ah ka wada hadlayey dibu dajinta qaxootiga bilaha soo socda, ha yeeshee saldhigyo ay ciidamada military-ga Burma ka sameysteen soohdinta toddobaadkii tagey ayaa kicisay dareen.
Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dadka Rohngya aanay aqbaleyn iney ku noqdaan gobolka Rakhine mustaqbalka dhaw, kaasoo ay og yihiin inaaney ka heleyn badqab iyo hab nololeed sharaf leh.

"Dowladda Myanmar ayaa mashquul ku ah in dunida ay u sheegto iney diyaar u tahay iney dib u dajiso qaxootiga qowmiyadda Rohngya ee soo noqonaya, halka ciidamadoodu ay wali wadaan iney dadka barakaciyaan, kuwaasoo u cararaya Bangladesh," ayuu yiri Gilmour.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 02:48PM

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM