​ISIS oo Sheegatay Dilka Baadari Fransiis Ahaa

Image

Kooxda ISIS ayaa sheegatay in laba ruux oo iyaga katirsan ay dileen wadaad Masiixi ahaa oo ay ku weerareen kaniisad ku taalla Normandy, France, Talaadadii, markaas wadaadka masiixiga ah ay koxodaasi u qabsadeen laheyste ahaan ka hor inteysan middi ku dilin.

Mareykanka, ayaa si weyn u cambaareeyay weerarjkaasi, iyadoo uu ugu uga tacsiyadeeyay qoyska iyo saaxiibbada Jacques Hamel.

Afhayeen u hadlay golaha ammaanka qaranka Ned Price ayaa sheegay in Faransiiska iyo Mareykanka ay wadaagaan ka go’naanshityaha in la difaaco madax bannaanida diimaha, oo islamarkaasina aanay kuwa qalalaasaha wada qal qal galin karrin go’aankaasi.

Booliiska, ayaa markii dambe dilay labadaasi ruux ee lagu eedeynaayo inay ISIS ka tirsanaayeen.

VOA

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM