​ISIS oo Sheegatay Dilka Baadari Fransiis Ahaa

Image

Kooxda ISIS ayaa sheegatay in laba ruux oo iyaga katirsan ay dileen wadaad Masiixi ahaa oo ay ku weerareen kaniisad ku taalla Normandy, France, Talaadadii, markaas wadaadka masiixiga ah ay koxodaasi u qabsadeen laheyste ahaan ka hor inteysan middi ku dilin.

Mareykanka, ayaa si weyn u cambaareeyay weerarjkaasi, iyadoo uu ugu uga tacsiyadeeyay qoyska iyo saaxiibbada Jacques Hamel.

Afhayeen u hadlay golaha ammaanka qaranka Ned Price ayaa sheegay in Faransiiska iyo Mareykanka ay wadaagaan ka go’naanshityaha in la difaaco madax bannaanida diimaha, oo islamarkaasina aanay kuwa qalalaasaha wada qal qal galin karrin go’aankaasi.

Booliiska, ayaa markii dambe dilay labadaasi ruux ee lagu eedeynaayo inay ISIS ka tirsanaayeen.

VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM