​ISIS oo sheegatay qaraxyada Brussels

Image

Ururka Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weeraro saddex ah oo maanta ruxay magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayada oo laba ka mid ah qaraxyada ka dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada, halka mid kalena uu ka dhacay xarunta tareenada laga raacay.

Qaraxyaadaasi, waxaa ku dhintay in kabadan 34 ruux, waxaan qoraal ururkaasi soo dhigay baraha bulshada ku sheegtay inay ka dambeeyeen mas'uuliyadda qaraxyadda xarunta Builgium.

Dadka dhintay waxaa kamid ah saddex ruux oo dalka Maraykanka u dhashay, waxaana qaraxyada ka dhacay garoonka midkood uu fuliyay ruux isku xiray waxyaabaha qarxa.

Dalka Builgium ayaa la aaminsayahay inuu u ololeynayay howlgallo ka dhan ah kooxda Islaamiga ah ka dagaallanta qaybo kamid ah Bariga dhexe, balse arrintaasi si cad uma baahin mas'uuliyiinta dalkaas.

Qaraxyadan ayaa saamayn ku yeeshay dhammaan waddamada xarumahoodu ku yaallaan Brusels, waxaana socdo kulamo kala duwan oo laga yeelanayo xaaladdan soo korortay.

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Brack Obama oo ka hadlayay falka maanta dhacay, ayaa iclaamiyay in laa caawiyo waddanka Beulgium, wuxuunta inaasi raaciyay in laga guulaysan karo kooxa argagixisada xilli uu ka hadlayay dalka Cuba shir ka dhacay.

Majirto cid loo soo qaybtay weeraradii dhacay, balse xukuumadda fadhigeedu yahay Brusells, ayaa sheegtay inay soo qaban doonaan cid walbo oo arrinta gacan ka gaysatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM