Isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirada Itoobiya

Image

Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa Wasiirada ka dib mudaaharaadyo siyaasadeed oo horseeday in dalkaasi la geliyo xaalad deg deg ah.

Mr Hailemariam ayaa magacaabay 21 wasiir oo ay ku jiraan wajiyo cusub oo hoggaamin doono wasaaradaha maaliyada iyo arrimaha dibedda.

Barta ay dowladdu ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in baarlamaanka uu ansixiyay liiska cusub ee wasiirada

Isbeddaladan waxaa loo arkaa in dowladdu ay uga gol leedahay inay wax uga qabato cabashooyinka loo soo jeedinayay tan iyo sanadkii la soo dhaafay.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Addis Ababa ayaa sheegeya in xil ka qaadista wasiirka arrimaha dibedda Tedros Adhanom oo ay xulafo dhaw yihiin Ra'iisal wasaaraha aan loo arki doonin tallaabo yaab leh maadaama uu yahay musharrax u tartamayo hoggaanka Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

BBC

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM