Isra'iil oo duqaysay Marinka Gaza

Image

11 Octobar, 2015(GO)-Diyaaradaha dagaalka ayaa duqeeyay Marinka Gaza xilli ay ka socdaan dalka Falastiin rabshado ka dhanka Yuhuudda.

Weerarka waxaa ku dhintey hooyo uur leh iyo laba dhallaan ah oo ay dhashay, waxaana la sheegay inay aargudasho u ahaa gantaal Jimcihii lagu tuuray dhul Isra'iil maamusho.

Arrintan ayaa sii xoojinaysa rabshadaha ka socda magalada Qudus taasi oo ka dhalatay masaajidka Al-Aqsa oo ciidamada Yuhuudu galeen.

Israa’iil waxay sheegtay in diyaaradeheeda dagaalka duqeeyeen laba meel oo hub u yaalay ururka Xamaas.

Ra'iisul wasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu, waxa uu amray in boqollaal askeri oo kormeerayaal ah loo diro dalka Falastiin si loo soo celiyo amniga iyo kala dambaynta Qudus.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John Kerry ayaa la hadlay hogaamiyayaasha labada dhinac  Netanyahu iyo Maxamud Cabbaas, si uu ugu muujiyo walaaca ka qabaan qalalaasaha sii huraya.

GAROWEONOLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM