Isra'il oo booliis dheeri ah gaysay Qudus

Image

19 September, 2015(GO)-Xiisad ka dhalatay masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa ayaa sababtay in Israa'iil booliis dheeri ah gayso Qudus.

Arrintan ayaa timi ka dib isku dhacyo maalmo socday oo u dhaxeeya Falastiiniyiin mudaaharaadaya iyo laamaha ammaanka dalkaasi.

Xiisadda ayaa inteeda badan ku wajahan masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa, kaasoo muhiim u ah Islaamka iyo Yuhuuda.

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa ku dhawaaqay maalin caro oo xaaladda Al-Aqsa ku aadan.

Waxaa ka caraysiisay qorshayaasha Israa'iil ee ku aaddan in booliiskooda u ogolaadaan inay rasaas ku furaan dhalinyaro dhagaxaan tuuraysay.

Qof Israa'iili ah oo mooto waday ayaa bilawgii todobaadka u geeriyooday shil uu sababay dhaqaxaan la soo tuurayay.

Xaalado ammaan daro ayaa laga soo sheegay magalada Qudus.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM