Isra'iil oo duqayn ka gaysatay marinka Gaza

Image

30 September, 2015(GO)-Diyaaradaha dagaalka Isra'iil ayaa saaka duqayn dhanka cirka ah ka gaystay marinka Gaza ee Falastiin.

Ma jirto khasaare la soo sheegayo, balse waxaa lala eegtay xarumo ururka Xamaas ku lahaayeen marinkaasi.

War ka soo baxay Isra'iil ayaa lagu sheegay in duqayntu jawaab u ahayd gantaal laga soo riday Gaza, balse ay sheegeen in xawada lagu bur-buriyay.

Ururka Xamaas ayaa dhankooda shaaciyay inay ka baxeen xarumaha la weeraray, maadama ay ka warhayeen inay duqayn uga imaanka karto Isra'il gantaal lagu riday awgii.

Ilaa hadda cidna ma sheegan gantaalka laga soo riday marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Falkan ayaa imaanaya xilli maanta la filayo in calanka Falastiin la suro afaafka hore ee xarunta Qaramada Midoobay markii September 11, 2015 cod loo qaaday ka mid ahaanshaha kuwa suran xarunta Jamaciyadda Quruumaha ka dhacaysa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM