Israa'iil oo dishay Falastiiniyiin ay ku jiraan haweeney Uur lahayd

Image
Weeraradan ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Nablus, Hebron iyo Ramallah ee daanta galbeed.

DOOXA, Qadar - Ciidamada gurmadka deg dega ah ee Gaza ayaa meydadka 50 Falastiiniyiin ah ka soo saaray xabaal wadareed ay ku aasanaayeen oo ku taalla Nasser Medical Complex ee magaalada Khan Younis.

Sida ay sheegtay warbaahinta gudaha, dhacdadan ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa laba toddobaad un kadib markii ciidamada maamulka Yahuuda ay ka baxeen aagga.

Dhanka kale, Haweeney uur leh iyo lix carruur ah ayaa ka mid ahaa siddeed Falastiiniyiin ah oo lagu dilay mowjado weeraro ah oo Israa’iil ay ka geysatay Rafah, oo ah magaalada ugu koonfureed ee Gaza.

Dhakhaatiirtu waxay ku guuleysteen inay badbaadiyaan ilmaha uurka ku jira ee haweeneyda. Hase ahaatee, nasiib darro waxa ay badbaadin waayeen hooyadda dhashay caruurta.

Ciidamada Israel ayaa weerar ku qaaday magaalooyinka Nablus, Hebron iyo Ramallah ee daanta galbeed kadib howlgal saddex maalmood qaatay oo ay ka fuliyeen xerada qaxootiga ee Nur Shams oo ay ku dileen 14 falastiiniyiin ah.

Hezbollah ayaa sheegtay in ay uga jawaabtay weerar ay Israa’iil ku dishay saddex ka mid ah dagaalyahannadeeda iyagoo weeraray dhismayaal ay isticmaalaan askartA ee Metula iyo Shlomi ee waqooyiga Israa’iil.

Geesta kale, Ruushka ayaa waxa uu ku gacan seyray $95 bilyan oo uu Mareykanka ku kharash gareynayo wadamada Ukraine, Israel iyo Taiwan, isagoo sheegay inay sii kordhin doonto xiisadaha adduunka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM