​Israel oo deegaamayn ka billowday dalka Falastiin

Image

Maamulka Israel ayaa shaaciyay inay billaabeen qorsho cusub, oo 3,000 oo guryo ah uga dhisayaan magaalada Daanta Galbeed, ee dalka Falastiin.

Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay shacabka Yuhuuda dib u dejin uga samaynayaan magaalooyinka daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ee dhulkaas reer Falastiin.

Waa markii 4-aad oo Israel sheegayso inay wado deegaamayn sharci darro ah oo ay ka samaynayso dhulkaas tan iyo markii Doland Trump la doortay.

Maamulkii hore Barack Obama ayaa cadaadis ku saari jirey Israel inay joojiso deegaamaynta daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Marinka Gaza.

Beesha caalamka ayaa cambaaraysay dhismooyinka Yuhuuddu ay ka wado dalka Palestine ee xoogga ay ku qabsatay 1967 markii uu dhamaaday dagaalkii Carabta iyo Israel.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM