Israel oo dishay saddex kamid ah ciidanka Syria

Image

Saddex kamid ah ciidamada Suuriya ayaa lagu dilay weerar kooxo katirsan Israel ka gaysteen Kaam ku yaalla magaalada Quneitra oo dhacda Koonfur Galbeed dalkaas.

Weerarka ayaa lagu qaaday  kaamka lagu magacaabo al-Fawwar, waxaana ku dhaawacmay labo kale sida ay sheegeen saraakiil qariyay magacooda oo la hadlay AFP.

Ma cadda nooca weerarka lagu dilay askartaas, balse tallaabadan ayaa imaanaya kadib markii Jimcihii lasoo dhaafay diyaaradaha Israel duqayn la beegsadeen saldhiga ciidamada Syria ay ku leeyihiin buuraha Golan.

Milatariga Suuraya oo la hadlay wakaaladda wararka ee SANA, ayaa arrintan ku tilmaamay gardarro qaawan oo timid kadib markii ay ciidamada waddankaasi iska difaaceen kooxo argagixiso ah oo doonayay inay gudaha u galaan magaalada Quneitra.

Balse milatariga Israel, ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in saddex madfac uga yimid dhinaca ay maamusho Syria ee buuraha Golan, kadibna ay sameeyeen jawaab celin.

Haaladda labada maamul ayaa muddooyinkii dambe xumaa, waxaana tani qayb ka tahay xiisadda ka taagan Bariga dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM