Israel oo dishay saddex kamid ah ciidanka Syria

Image

Saddex kamid ah ciidamada Suuriya ayaa lagu dilay weerar kooxo katirsan Israel ka gaysteen Kaam ku yaalla magaalada Quneitra oo dhacda Koonfur Galbeed dalkaas.

Weerarka ayaa lagu qaaday  kaamka lagu magacaabo al-Fawwar, waxaana ku dhaawacmay labo kale sida ay sheegeen saraakiil qariyay magacooda oo la hadlay AFP.

Ma cadda nooca weerarka lagu dilay askartaas, balse tallaabadan ayaa imaanaya kadib markii Jimcihii lasoo dhaafay diyaaradaha Israel duqayn la beegsadeen saldhiga ciidamada Syria ay ku leeyihiin buuraha Golan.

Milatariga Suuraya oo la hadlay wakaaladda wararka ee SANA, ayaa arrintan ku tilmaamay gardarro qaawan oo timid kadib markii ay ciidamada waddankaasi iska difaaceen kooxo argagixiso ah oo doonayay inay gudaha u galaan magaalada Quneitra.

Balse milatariga Israel, ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in saddex madfac uga yimid dhinaca ay maamusho Syria ee buuraha Golan, kadibna ay sameeyeen jawaab celin.

Haaladda labada maamul ayaa muddooyinkii dambe xumaa, waxaana tani qayb ka tahay xiisadda ka taagan Bariga dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM