Israel oo duqayn ku dishay askar u dhalatay Iran, Syria iyo dalal kale

Image
Image

SUURIYA - yaraan 27 Askari oo isagu jira Ciidanka Militeriga Syria iyo kuwa ajnabiga ah ayaa lagu dilay duqayn Israel ka fulisay gudaha dalkaasi, sida laga soo xigtay kormeerayaasha fadhigoodu yahay London.

Duqaynta oo ka dhacay meelo kala duwan oo gudaha dalka Syria ah, ayaa Askarta lagu dilay waxaa kamid ahaa 11 kasoo jeeda wadanka Iran, oo Ciidamado taageera Bashar Al-Asad ka joogaan Syria.

Warka ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda u dhaxaysay Iran iyo Israel ay cirka isku shareertay, waxaana jirto baqdin laga qabo inay dalalkaasi ku dagaalaman gudaha wadanka colaado la degtay ee Syria.

Israel ayaa duqeysay saldhiyo ay Iran ku leedahay Syria, taasi oo keentay in Iran ay gantaallo ku rido dhinac Israel, gaar ahaan buuraha Golan Heights, oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Yahuuda.

Israel aad uga walwalsan cudada ciidan ee sii koreysa oo dowlada Iran ku yeelaneyso gudaha Suuriya, taasoo ay aaminsan tahay inay halis ku tahay jiritaankeeda iyo amnigeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM