Israel oo weerar ku qaadey Saldhigyo Iran ku leedahay Syria

Image

Israel ayaa maanta sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay duqeeyeen saldhigyo milatariga Iran ay ku leeyihiin gudaha dalka Syria, ayaga oo ka jawaabaya gantaaallo Iran ay kusoo ridday ciidamada Israel ee haysta buuraleyda Golan Heights.

Israel waxa ay sidoo kale ka digtay “inaysan u ogolaan doonin in halista Iran laga aasaaso gudaha Syria”, islamarkaana dowladda Syria ay mas’uul ka noqon doonto “Wax walba oo ka dhaca gudaha dalkeeda.”

Wasiirka gaashaandhigga Israel, Avigdor Lieberman ayaa sheegay in Israel ay duqeysay ku dhowaad dhammaan saldhigyada Iran ee gudaha Syria.

Iran ayaa waxa ay isbaheysi la tahay Syria, waxaana ciidamadeeda milatariga ay taageerayeen madaxweyne Bashar Al-Assad.

Russia oo sidoo kale taageerta Assad, ayaa ku baaqday in Israel iyo Iran inay muujiyaan isxakameyn, ayada oo madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron uu ugu baaqay labada dhinac inay xiisadda qaboojiyaan.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM