Israel: Shimon Peres oo geeriyooday

Image

Waxaa xalay waddanka Israel Ku geeriyooday rug cadaa Siyaasadeed oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalkaasi.

Ninkan oo lagu magacaabo Shimon Peres ayaa da'diisu ahayd 93 sano, waxaana la dhigay cusbitalka labo usbuuc ka hor, xilligaasi oo uu soo ritay xanuunka faaligga ama stroke-ga.

Peres ayaa ugu dambeeyay siyaasiyiin goob joog u ahaa marxaladihii dalkaasi soo maray, isagoo xilal kasoo qabtay xukuumado kala gedisan oo dalkaasi soo maray.

Wuxuu soo taagnaa doorna kulahaa aas-aaskii Israel sanadkii 1948-kii. 

Labo jeer waxa uu noqday Ra'iisal wasaare, xilligii ugu dambeeyayna waxa uu ahaa madaxweynaha dalkaas.

Sanadihii ugu horreeyay, waxa Peres loo arkayay dagaal ooge balse 1990-meeyadii waxa uu door muhiim ah ka qaatay heshiis siyaasadeed oo israa'iil ay la gashay Falastiyiniinta.

Wuxuu helay Abaalmarinta Caalamiga ah ee loo yaqaano Nobel-ka.

Xukumadda Netenyahu, ayaa tacsi ka dirtay geerida Ku timid Peres, iyagoo sheegay inay tabi doonaan hogaamintii ninkan geeriyooday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM