Itoobiya oo yeelatay Ra'iisul Wasaarihii ugu horeeyay oo Oromo ah [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Baarlamaanka Itoobiya ayaa u doortay Abiy Axmed inuu noqdo Ra'iisul Wasaaraha cusub, ee bedeli doono Hailemariam Desalegn oo si lama filaan ah isku casilay 15-kii bishii Febuary.

Abiy Axmed, 42 sano jir ayaa isla maanta loo dhaariyay xilka kadib munaasabad ka dhacday Aqalka Wakiiladda [Baarlamaanka], isagoo si rasmi ah xafiiska ugala wareegay Hailemariam Desalegn, oo xilkaasi hayay tan iyo 2012-kii.

Ra'iisul Wasaaraha cusub, ayaa balan-qaadey isbedel iyo inuu wax ka qaban doono rabshadaha ka taagan dalkaasi, gaar ahaan gobolka ay qowmiyadiisu degan tahay ee Oromia iyo Amhara, 2015 ka billowday dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo.

"Maanta waa maalinti Taariikhi ah, waxaan marqaati kawada nahay in xukunka si nabad ah lagu kala wareegay. Maanta xaaladda uu dalka ku jiro waxay na tuseysaa fursad iyo khataro. Waxaa bartanka kaga jirnaa xaalad hubanti la'aan ah," ayuu yiri Abiy.

Abiy oo horey usoo noqday wasiirka Seyniska iyo Tiknoolojiyadda Itoobiya ayaa iska dhalay Aabe Muslim ah iyo Hooyo Kirishtaan ah, waxaana lagu sheegay inuu yahay nin aftahan ah, oo ka dambeeyay Siyaasadda dowladda inay dhageysato xiriika Internet-ka.

Inuu noqdo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed waxay ka dambeysay markii Todobaadkii tagey uu Xisbiga haya talad [EPRDF] u doortey gudoomiye. Abiy ayaa balan-qaadey inuu wadahadal la gali doono dowladda Eritrea, oo mudo dheer dalkiisa cadaawad kala dhaxayso.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Madaxda dalalka Khaliijka oo Shir Degdeg ah ku yeeshay Saudi Arabia 

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SPA, shirkan waxaa xoogga lagu saaray iskudubaridka dadaallada looga jawaabayo xaaladaha cakiran.

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 06:44PM

Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka United Arab Emirates ee OPEC?

Ururkan waxaa la aasaasay sanadkii 1960 magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Iraq…

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 04:37PM