Jaamacadda Carabta oo taageertay Sucuudiga

Image

11 January, 2016(GO)-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ururka Jaamacadda Carabta ayaa taageeray go'aanka Boqortooyada Sucuudigu xiriirka ugu jareen xukuumadda Iran.

Shirka wasiirradu ku yeesheen magalada Qaahira ee dalka Masar ayaa looga hadlay xaaladda murugsan iyo khilaafka baahay ee ka tagaan bariga dhexe, waxayna cambaareen falkii lagu gubay  safaaradda Boqortooyada Riyad ee dalka Iran.

Warsaxaafadeed lasoo saaray goor sii horaysay shalay 10 January ayaa lagu sheegay in la baarayo sababta keentay gubista xarunta Boqortooyada Sacuudigu ku leeyahay Tehran, waxayna sheegeen maxsuulka kasoo baxa in loo gudbin doono golaha ammaanka si uu go'aan uga gaaro.

Arrintan ayaa ka dhalatay toogashadii wadaad shiico ah sheekh Nimr Al-Nimir kaasoo dadka aaminsan madhabkaas aad u qadariyaan, waxaana Sacuudigu ku eedeeyeen inuu katirsanyahay argagixisada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM