Jabuuti oo war kasoo saartay safarka Geelle ee Eritrea

Image

JABUUTI - Dowladda Jabuuti ayaa beenisay wararka sheegaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu booqasho ku tegayo Magaaladda Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaas, isagoo sheegay in aan xilligan suurta-gal ahayn in Geelle uu booqasho ku tago Eritrea, madaama aysan ka heshiin labada dal khilaafka u dhaxeeya.

Maxmuud wuxuu daboolka ka qaaday in inta uu taagan yahay xiisadda kala dhaxeysa xukuumadda Asmara uusan Madaxweyne Geelle tagi doonin dalka Eritrea oo colaada kala dhaxeysay tan iyo 2008-dii, taasoo salka ku haysay muran dhanka xuduuda ah.

“Waxaa jira warar leysla dhex-marayo oo sheegaya in Madaxweyne Geelle uu socdaal ku tagayo Eritrea, waxaan rabaa inaan ka saxo warkaas warbaahinta, oo aan u sheego in warkaasi uu been yahay, oo aan waxba ka jirin,” ayuu yiri Wasiirka.

Jabuuti iyo Eritrea ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhanka xuduudka ah, halkaasoo ay dhaceen marar badan dagaalo kharaar, xili waqti xaadirkaan ciidamo ka kala socda labadda dhinac ay wali isku hor-fadhiyaa goobaha la isku heysto.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti wuxuu kusoo beegmayaa maalmo un kadib markii wakiilka gaarka ah ee Jabuuti u qaabilsanaa Qaramadda Midoobay ka dalbaday Gollaha amaanka ee QM inay dhex-dhaxaadiyaan labada dowladood.

Sidoo kale, dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay dhex-dhexaadinayso labada dal, si dhamaan wixii khilaaf ahaa ee ka jiray gobolka Geeska Africa loo dhameeyo, islamarkaana laga faa'idaysto isbedelka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM