Jabuuti: Wasiirkii hore cadaaladda iyo xubno kale oo la xiray

Image

31 December, 2015(GO)-Dowladda Jabuuti ayaa xabsiga dhigtay xubno ay sheegtay inay ku lug lahaayeen shaqaaqadii 21 December, 2015 ka dhacay degmada Balbala oo ku taalla magalada caasimadda ah ee Jabuuti.

Xukuumadda ayaa xabsiga dhigtay 32 ruux oo kamidyihiin wasiirkii hore cadaaladda Xaamid Cabdi Suldaan iyo duqii hore Jabuuti Cabdiraxmaan Maxamed Geelle.

Afhayeenka dallada Mucaaradka ah ee USN Daahir Axmed Faarax, ayaa VOA u sheegay in Xaamud ay ciidamadu ka kaxeysteen iridka hore ee Isbitaalka shalay markii uu ka soo baxay, isagoo tilmaamay inay kawal wal qabaan xaaladiisa caafimaad maadama u baahnaa dhaqtar markasta la socda caafimaadkiisa.

Wasiirka Cadaaladda Jabuuti Faarax Cali Casoowe ayaa soo dhaweyay go'aanka dowladdu ku xir xirtay dadka lasoo eedeeyay.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Djibouti Maki Cumar Cabdulqaadir ayaa sheegay in dadkan la xabisay lagu so ooggey dacwado la xidhiidha rabshaddihii maalin isniin ah 21-kii December 2015 ka dhacday dalkaas, taaso sababtay dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah.

Cidda ka dambaysay rabshadaasi ayaa mucaaradku ku eedeeyeen dowladda, halka xukuumaddu sheegtay inay ahaayeen shufto doonaysay inay waxyeellayso ciidamo Bilays ah oo goobta ku sugnaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM