Jacob Juma oo 'aqbalay' in uu is casilo

Image

Johannesburg - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma uu xilka ka dego , waxaana la sheegay in ay u egtahay in uu aqbalay codsiyadii loosoo bandhigay, balse uu soo jeediyay shuruudo.

Xisbiga ANC ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in shirkii ay la yeesheen Zuma ay kasoo baxeen miro wanaagsan, islamarkaasna ay dib u dhigeen shirkii golaha dhexe oo looga doodi lahaa mustaqbalka Zuma.

Sidoo kale baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa dib u dhigay waqtigii uu furmi lahaa kalfadhiyada sanadkan, sababo la xiriira mustaqbalka madaxweynaha.

Mar sii horeysay oo shalay ahayd hay'adda Nelson Mandela ayaa ugu baaqday in uu Zuma is casilo, iyada oo sheegtay in intii uu xilka hayay dalka uu ka dhacay boob culus oo hantida dadweynaha loo geystay.

Haddii uu diido go'aanka ANC ee ah in uu is casilo, waxa uu luminayaa aqlabiyadda baarlamaanka, si sahlan ayaana codka kalsoonida loogu qaadi karaa baarlamaanka dhexdiisa, sidaasna uu xilka uga dagi karaa.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhawr jeer Zuma ka keenay mooshin, balse markasta tirada badan ee xildhibaanada ANC ayuu kaga badbaadayay codkaas.

Warar aanan la xaqiijinin ayaa sheegaya in Zuma uu codsaday in damaanad laga siiyo in lagu soo oogi karin wax dacwad ah.

Related Articles

Erdogan oo ku yiri Madaxweynaha Iran: Ku xadgudubka Hawada Turkiga ma lahan wax cudurdaar ah

Erdogan ayaa sidoo kale ku celiyay tacsida uu u diray geerida Khamenei, wuxuuna muujiyay rajada ah in doorashada Mojtaba Khamenei.

  • Caalamka

    10-03-2026

  • 07:31PM

Turkiga oo Gantaaladda Patriot ee Mareykanka Rakibtay si uu uga Gaashaanto Khatarta Iran

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Turkigu uu sii wadayo iskaashiga uu la leeyahay xulafadiisa NATO.

  • Caalamka

    10-03-2026

  • 08:25AM