​Japan: Nin Mindi ku dilay 20 qof oo naafo ah

Image
Image
Image
Image
Image

Wararkaa  laga helayo dalka Japan ayaa sheegaya nin Mindi ku hubaysan inuu weerar ku qaaday xarun lagu xannaaneeyo dadka naafadaha ah, wuxuuna halkaasi qudha uga jaray 20 ruux sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Boliiska waddankaasi.

Ninkan ayaa dadkaasi dilay xilli ay ku sugnaayeen xaruntooda, wuxuuna dhammaantood u dilay qaabka isku mid ah.

Booliiska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen islamarkaana baaritaan ku samayn doonaan sababta ku kaliftay inuu falkaasi gaysto.

Warbaahinta gudaha waddankaasi oo soo xiganaysay dambiilaha ayaa u sheegay inuu qorshihiisu ahaa siduu uu nolosha u dhaafin lahaa dadkan aan waxba qabsan karin.

Dalka Japan ayaa inta badan dadku helin hubka, balse taa badalkeeda waxay adeegsadaan mindiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM