​Jarmalka oo qorshaynaya inuu ciidamo keeno Biyaha Somalia

Image

Barlamanka waddanka Jarmalka, ayaa ansixiyay qorshe ciidamadooda millateriga uga howlgalayaan dalalka Somalia iyo Mali gaar ahaan xeebaha sida uu sheegay afhayeen dalkaasi u hadlay.

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa lagu daabacay hindisahan cusub iyadoo la sheegay in ciidamadaasi hoos imaan doonaan Midowga Yurub "EU"oo dammaanad qaaday ilaa laga gaaro bisha 5aad sanadka 2017.

 "Baarlamaanka dalka ayaa go'aansaday inuu dheereeyo mudada  Bundeswehr [ciidanka Jermalka] ee burcad badeeda kuwajahaya biyaha badda ee Soomaaliya iyadoo sidoo kale la taageerayo waddanka  Mali," Sidaasi waxaa yiri Steffen Seibert oo ah afhayeenka dawladda Jermalka.

Arrintan oo Barlamanku ansixiyay shalay oo Arbaco ahayd, wuxuu kusoo beegmay xilli badda Somalia ku sugnaayeen ciidamo Jarmalka kasocda kuwaasi oo ilaaliya maraakiibta gacansi, waxayna joogeen ilaa 2008-dii.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Somalia, waxaana arrinta kusoo beegmaysa xilli biyaha Somalia joogaan ciidamo kasocda NATO.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM