Jinsiyada meydadka laga helay bariga Ingiriiska oo la shaaciyey

Image

LONDON, UK - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya 39 qof ee meydadkooda laga helay baabuur xamuul ah degmada Essex ee bariga waddanka Ingiriiska.

Waxaa la ogaaday in 39 qof ee meydadkooda laga helay baabuur xamuulka ah ay u dhasheen dalka Shiinaha, sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay booliska.

Booliska waxay su'aalo weydinayaan darawalkii baabuurka kaas oo xabsiga loo taxaabay shaley markii la qabtay. Ruuxan waxaa la rumeysan yahay in uu 25-jir yahay.

Inkasta oo ay booliska si rasmi ah u xaqiijin arrintani, baabuurka xamuulka ayaa kasoo dhaqaaqay Belgium wuxuuna ku wajahnaa dekedda bariga London.

Dhanka kale, dacwad oogaha guud ee Belgium ayaa furay baaritaanno lagu ogaanayo dadkii ka dambeeyay dhacdadaas oo ay ka naxeen qaar kamida madaxda dunida.

Makala cadda xiligii iyo goobtii meydadka lasoo saaray baabuurka, taas oo kamid ah waxyaabaha la filayo in lagu ogaado baaritaanka qotada dheer ee haatan socda.

Warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in dadkan ay yihiin magan-qalyo doon, kuwaas oo doonaya in ay nolol wanaagsan ka sameeyaan Yurub gaar ahaan UK.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM