Jinsiyada meydadka laga helay bariga Ingiriiska oo la shaaciyey

Image

LONDON, UK - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya 39 qof ee meydadkooda laga helay baabuur xamuul ah degmada Essex ee bariga waddanka Ingiriiska.

Waxaa la ogaaday in 39 qof ee meydadkooda laga helay baabuur xamuulka ah ay u dhasheen dalka Shiinaha, sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay booliska.

Booliska waxay su'aalo weydinayaan darawalkii baabuurka kaas oo xabsiga loo taxaabay shaley markii la qabtay. Ruuxan waxaa la rumeysan yahay in uu 25-jir yahay.

Inkasta oo ay booliska si rasmi ah u xaqiijin arrintani, baabuurka xamuulka ayaa kasoo dhaqaaqay Belgium wuxuuna ku wajahnaa dekedda bariga London.

Dhanka kale, dacwad oogaha guud ee Belgium ayaa furay baaritaanno lagu ogaanayo dadkii ka dambeeyay dhacdadaas oo ay ka naxeen qaar kamida madaxda dunida.

Makala cadda xiligii iyo goobtii meydadka lasoo saaray baabuurka, taas oo kamid ah waxyaabaha la filayo in lagu ogaado baaritaanka qotada dheer ee haatan socda.

Warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in dadkan ay yihiin magan-qalyo doon, kuwaas oo doonaya in ay nolol wanaagsan ka sameeyaan Yurub gaar ahaan UK.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo Google ku ganaaxay $3.5 bilyan; Trump oo cambaareeyay

Go’aankani wuxuu imaanayaa in ka badan laba sano kadib markii guddigu dacwadda rasmiga ah ka gudbiyay Google.

  • Caalamka

    07-09-2025

  • 06:42AM

Putin oo Sheegay in Ruushka uu Bartilmaameedsanayo Ciidamada Reer Galbeedka Haddii La Geeyo Ukraine

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii in ka badan 20 waddan oo reer galbeed ah ay ballanqaadeen inay taageeri doonaan Ukraine.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 11:18AM