Joe Biden oo si kulul uga hadlay diidmada Donald Trump ee guushiisa

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha la doortey ee Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in Donald Trump uu diidey in uu ogolaado guushiisa iyo in uu aqbalo guuldarada aysan waxba ka bedeli doono qorshihiisa xil la wareegida.

Biden oo Talaadadii la hadlay dadweynaha Ameerika ayaa carabka ku dhuftay in "wax laga xishoodo ay tahay" diidmada Trump, isagoo hoosta ka xariiqay "in arrintaa aysan caawin doonin in uu dhaxal fiican ka tago hogaamiyaha".

Wallow uu carabka ku dhuftay in aysan cawaaqib weyn ku yeelan doonin is-hortaag lagu sameeyo in uu xilka la wareego, haddana Biden ayaa rajeeyay in marka guushiisa la aqoonsado uu heli doono miisaaniyada federaalka.

"Waxaan u soconeynaa in aan horey ugu dhaqaaqno si isdaba-joog ah, oo aan mideyno maamulkeenna, Aqalka Cad, iyo dib-u-eegista cidda aan u xulaneyno golaha wasiirrada. Mana jiraan wax joojinaya taas," ayuu yiri Biden.

Mr Biden ayaa intaas ku daray: "Markaana waxaan ku kalsoonahay in xaqiiqda ah inaysan diyaar u ahayn inay qiraan inaan ku guuleysanay xilligan inaysan ahayn mid cawaaqib weyn ku yeelanaysa qorshaheenna iyo wixii aan awoodno inaan qabanno inta u dhexeysa hadda illaa 20-ka Jannaayo".

"Ma jirto wax hakin karta in awooda la isku wareejiyo kadib doorashadda," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweyne Joe Biden.

Dhawaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli ay jirto cabsi weyn oo ku aadan in Trump diidi doono xil-wareejinta maadaama kooxdiisa ololaha ay dacwado ka fureen natiijada kasoo baxda qaar kamid ag gobolada doorashii dhowaan qabsoontay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM