John Kerry oo ka Dalbay Kenya Inaysan Xirin Dhadhaab

Image

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka John Kerry ayaa sheegay inuu si weyn uga walaacsan yahay go’aanka dawladda Kenya ay ku qaadatay inay ku xidho xeryaha qaxootiga Kenya ayna ku kala dirtay hay’addii qaxootiga, isla markaana ay sida degdegga ah dib ugu celinayso boqollaal kun oo qof oo dalkeeda gabbaad ka dhiganaya.

Waxa uu sheegay inuu ugu baaqay dawladda Kenya inay sii waddo doorkeedii dheeraa ee hoggaamineed ee ay gabbaadka ku siinaysay qaxootiga dhibku kasoo gaadhay gacan ka hadalka, sida ay farayaan qawaaniinta caalamiga ah. Waxaan ugu baaqaynaa dawladda Kenya ayuu yidhi inay ilaaliso shuruucda caalamiga ah oo aysan dadka qaxootiga ah qasab ku celinin. 

War saxaafeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa John Kerry uu ku sheegay inay ka mahadcelinayaan martigelinta dawladda Kenya ee qaxootiga, waxaana uu sheegay in dawladdiisu ay ka caawisay Kenya wadaagista mas’uuliyadda oo ay qayb ka qaadatay kaalmada bani’aaminnimo iyo in dib u dejin loo sameeyye qaxooti badan. 

John Kerry waxa uu ugu baaqay Kenya inay sii waddo la shaqaynta UNHCR sidii loo celin lahaa dadka iskood u laabanaya, iyo inay ixtiraamto heshiiskii saddex geesoodka ah ee sanandkii 2013-ka ay wada gaadheen dawladaha Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR oo dhiirigelinay inay dadku si iskood ah u laabtaan.

VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM