Xakameynta Covid-19 oo dhibaato u keentay Muslimiinta Hindiya

Image

NEW DELHI- Dadka mutadawiciinta ah oo adkeeynaya bandowga dowlada Hindiya ku soo rogtey shacabka ku nool mid kamid ah dalalka aduunka ugu dadka badan ayaa noqdey kuwa xad-dhaaf ah.

Bandowga saaran dalka Hindiya oo noqdey mid Bil jirsadey ayaa RW Narenda Modi kordhiyey tan iyo 3 bisha May. 

Dadka dalkaas ku nool ayaa ilaalinaya amarka bandowga iyagoo cabsi ka qaba iney waayaan adeeg caafimaad hadii ay u xanuunsadaan cudurka coronavirus. Lakiin xeel dheerayaasha ayaa dhinaca kale sheegaya in awooda maamul ee Ra'isal wasaraha Hindiya tahay qodob aan la xaqiri karin. Dowladiisa ayaa ah midii ugu awooda badneyd oo qabata xukunka dalkaas tobanaankii sano ee la soo dhaafey, taas oo sababtey in dad badan oo Hindi ah ka Baqaaan iney jabiyaan sharciga.

Sidoo kale, Mutadawaciinta la dagaalanka faafista caabuqa Corona ayaa ah kuwa soo kordhaya. Dadka ay yasaan dadka dalkaas daga "Lower castes" iyo Mislimiinta laga tiro badan yahay ayaa kala kulmaya kooxahaan cagajugleyn iyo weeraro joogta ah. 

Siyaasiyiinta xisbiyada kale iyo hogaamiye-yaasha bulshooyinka laga tiro badan yahay ayaa ku eedeeyey in tageerayaasha xisbiga talada haya sharciga gacantooda ku fulinayaan.

Guud ahaan, dalka Hindiya ayaa waxaa laga sheegey in dad gaaraya 16000 qof laga heley xanuunkaan halka 500 kamid ah u dhimatey. 

Dadka la socda Heerka cudurkaan faafistiisu mareyso ayaa sheegey in sababta tirada dadka uu ku dhacey coronavirus ay tahay mid ka yar dalalka horey u marey ay tahay madaama aysan jirin awooda qalabka lagu wada ogaanayo dadka qaba caabuqaan. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM