Kaalintii dhexdhexaadinta dowladda Qadar oo darbi ka laad-laada

Image
Yahuuda ayaa miiska soo saartey in kooxda iska-caabinta Falastiiniyiinta ay ka guuraan Dooxa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Weriyaha Al Jazeera Hashem Ahelbarra ayaa sheegaya in Maraykanku uu si degdeg ah ula xiriiray madaxda Qatar wixii ka dambeeyay 7-dii October si ay u dhexdhexaadiyaan heshiis xabad-joojin ah.

Xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Doha ayaa talaabadaas waxay u aragtay in ay sii socoto dhaxal ay dhisteen 30-kii sano ee la soo dhaafay iyaga oo ah gar-qaadayaal iyo nabad-doono heer gobol ah.

Ahelbarra wuxuu xusay in Qatariyiinta ay leeyihiin awood siyaasadeed oo weyn, isagoo tixraacay dhowr tusaale oo ku saabsan dhexdhexaadintii lagu guuleystay, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Taliban, taas oo ahayd waxqabad diblomaasiyadeed oo cajiib ah.

"Waqtigan dhaqdhaqaaqyadu way is beddeleen," ayuu yidhi, "gaar ahaan ka dib markii ay ku guulaysteen inay xaqiijiyaan heshiis dhammaadkii Nofembar ka dibna wuu burburay".

Qatariyiinta, Ahelbarra waxa uu yiri, "waxay dareemayaan in Israa'iil ay u adeegsatay "bac feer siyaasadeed" oo iyadoo lagu salaynayo hadallada ay soo saareen mas'uuliyiinta Qatar, waxay hadda suurtogal tahay inay dib u qiimeeyaan doorkooda dhexdhexaadineed".

Tani waxay la macno noqon kartaa in xafiiska siyaasadda Xamaas laga yaabo inuu ka guuro gudaha waddanka Qatar halkaas oo ay daganaayeen dhowrkii sano lasoo dhaafay.

"Haddii taasi dhacdo, kaliya ma wiiqi doonto fursadaha xalinta goor dhow. Waxay tani ku riixi kartaa hubaal la'aan mustaqbalka dhow sababtoo ah haddii aad weydiisato xafiiska siyaasadda inuu u guuro, waxay heli doonaan saddex doorasho: Iran, Lubnaan iyo Turkiga," ayuu tibaaxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM

Trump oo markii uu ka degay Malaysia la kulmay banaanbax isaga looga soo horjeedo

Madaxweynaha Mareykanka ayaa si weyn u doonaya inuu sheegto door muhiim ah oo uu ku lahaa heshiiskaas.

  • Caalamka

    26-10-2025

  • 05:00AM