Kaalintii dhexdhexaadinta dowladda Qadar oo darbi ka laad-laada

Image
Yahuuda ayaa miiska soo saartey in kooxda iska-caabinta Falastiiniyiinta ay ka guuraan Dooxa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Weriyaha Al Jazeera Hashem Ahelbarra ayaa sheegaya in Maraykanku uu si degdeg ah ula xiriiray madaxda Qatar wixii ka dambeeyay 7-dii October si ay u dhexdhexaadiyaan heshiis xabad-joojin ah.

Xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Doha ayaa talaabadaas waxay u aragtay in ay sii socoto dhaxal ay dhisteen 30-kii sano ee la soo dhaafay iyaga oo ah gar-qaadayaal iyo nabad-doono heer gobol ah.

Ahelbarra wuxuu xusay in Qatariyiinta ay leeyihiin awood siyaasadeed oo weyn, isagoo tixraacay dhowr tusaale oo ku saabsan dhexdhexaadintii lagu guuleystay, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Taliban, taas oo ahayd waxqabad diblomaasiyadeed oo cajiib ah.

"Waqtigan dhaqdhaqaaqyadu way is beddeleen," ayuu yidhi, "gaar ahaan ka dib markii ay ku guulaysteen inay xaqiijiyaan heshiis dhammaadkii Nofembar ka dibna wuu burburay".

Qatariyiinta, Ahelbarra waxa uu yiri, "waxay dareemayaan in Israa'iil ay u adeegsatay "bac feer siyaasadeed" oo iyadoo lagu salaynayo hadallada ay soo saareen mas'uuliyiinta Qatar, waxay hadda suurtogal tahay inay dib u qiimeeyaan doorkooda dhexdhexaadineed".

Tani waxay la macno noqon kartaa in xafiiska siyaasadda Xamaas laga yaabo inuu ka guuro gudaha waddanka Qatar halkaas oo ay daganaayeen dhowrkii sano lasoo dhaafay.

"Haddii taasi dhacdo, kaliya ma wiiqi doonto fursadaha xalinta goor dhow. Waxay tani ku riixi kartaa hubaal la'aan mustaqbalka dhow sababtoo ah haddii aad weydiisato xafiiska siyaasadda inuu u guuro, waxay heli doonaan saddex doorasho: Iran, Lubnaan iyo Turkiga," ayuu tibaaxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM