Kaaliyaha duuliyaha oo la sheegay inuu ridey diyaaraddii Germanwings

Image
Image

March 26, 2015 (GO)-  Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa shil diyaaradeed oo saddex maalmood kahor ka dhacay buuraha Alps e dalka France.

Shilkaas oo 150 qof ku dhinteen ayaa wararka hordhaca ah ee laga helayaa waxay sheegayaan inuu ahaa mid u dhacey si kas ah, waxaana mas'uuliyaddiisa dusha loo saarey kaaliyihii duuliyaha.

Codad uu duubay qalabka kaydiya xogta duulimaad ee diyaaradda ayaa laga maqley duuliyaha oo gargaraacaya albaabka shirka diyaaradda , kana codsanaya kaaliyihiisa inuu ka furo.

Xogtan oo ah mid hordhac waxay muujineysaa in kaaliyuhu albaabka xirtey waxyar kadib markii duuliyaha koowaad goobta diyaaradda laga wado ka  baxey.

Khubarada baareysa shilkan ayaa sheegay inaysan ogeyn sababta ku kalliftey kaaliyaha inuu falkan ku kaco.

Diyaaradda burburtey oo ay leedahay shirkadda Germanwings waxay kasoo duushey magaalada Barcelona ee dalka Spain iyadoo kusii jeeddey magaalada Dusseldorf ee dalka Germany. 

Shilalka diyaaradaha ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey kusooo badanayey dunida, waxaana xusid mudan in saddex shil oo dhacay intii u dhexeysey 2013 ilaa 2014 ay ku dhinteen in ka badan 700 oo qof. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM