Kampala: dacwad oogihii 13-ka eedaysane ee Al-shabaab oo la diley

Image

March 31, 2015 (GO)- Joan Kagezi oo ahayd dacwad oogaha kiis ka dhan ah 13 qof oo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab qaybna ka qaateen weerarradii Kampala ka dhacay sanadkii 2010 ayaa xalay toogasho lagu diley.

Joan KageziAf-hayeenka booliska Uganda Patrick Onyango ayaa sheegay in haweenaydaas ay toogteen labo nin oo mooto (dhug-dhugley) watey xilli ay ku sugneyd meel u dhow gurigeeda oo magaalada Kampala ku yaal.

Boolisku waxay sheegeen inay baaritaan wadaan, islamarkaana ku raad joogaan dad laga shekiyey.

Haweenaydan ayaa sidoo kale ahayd madaxa waaxda la-dagaalanka argagixisada ee xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Uganda.

Dilka Joan Kagezi ayaa kusoo aadaya maalmo kaddib markii safaaradaha Maraykanka iyo Britain ee dalka Uganda ka digeen weerarro argagixiso oo ay suurogal tahay inay ka dhacaan Kampala, kuwaasoo bartilmaameedkoodu yahay dadka kasoo jeeda wadamada reer galbeedka.

GAROWE ONINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM