Keating oo ninka lagu bedelay xog ka siiyay arrimaha Soomaaliya

Image

NEW YORK - Ergeyga waqtiga uu ka dhamaaday ee Qaramadda Midoobey u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, Micheal Keating ayaa magaalada New York, ee dalka Mareykanka kula kulmay mas'uulka isaga lagu bedalay Nicholas 'Fink' Haysom.

Keating ayaa u gaarey caasimada Mareykanka si uu Gollaha Amaanka ee Qaramadda Midoobey ugu gudbiyey warbixin ku saabsan xaaladda dalka, taasoo ah kalimadiisii ugu dambeysay.

Haysom ayaa lagu wadaa inuu xafiiska la wareego 1-da bisha October ee sanadkaan 2018, xili la filayo in loo qabto munaasabad ay xilka ku kala wareegayaan labadda Danjire, taasoo Muqdisho ka qabsoomi doonto.

Qoraal kooban oo uu danjiraha xilka ka degaya ee Micheal Keating soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ayuu shaaca uga qaaday inuu kala hadlay Haysom dhowr arrimood ku saabsan dalka.

"Waan ku farax-sanahay inaan waqti kula qaato New York ninka i bedalaya, Nicholas 'Fink' Haysom, kaasoo xafiiska la wareegi doono 1-da October. Wax badan ayaan kawada hadlnay. Waa farxad inuu wax badan ka garanayo Geeska Afrika," ayuu yiri Keating.

Nicholas 'Fink' Haysom oo u dhashay wadanka South Africa ayaa horey ugu soo shaqeeyay dalalka South Sudan iyo Afghanistan, waana sharci-yaqaan, kaasoo u olaleeya arrimaha Dimuqraadiyadda, iyo dowlad wanaaga, sida ku cad taariikhdiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

  • Caalamka

    06-05-2024

  • 04:17AM

Kaalintii dhexdhexaadinta dowladda Qadar oo darbi ka laad-laada

Yahuuda ayaa miiska soo saartey in kooxda iska-caabinta Falastiiniyiinta ay ka guuraan Dooxa.

  • Caalamka

    05-05-2024

  • 08:49AM