Keating oo ninka lagu bedelay xog ka siiyay arrimaha Soomaaliya

Image

NEW YORK - Ergeyga waqtiga uu ka dhamaaday ee Qaramadda Midoobey u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, Micheal Keating ayaa magaalada New York, ee dalka Mareykanka kula kulmay mas'uulka isaga lagu bedalay Nicholas 'Fink' Haysom.

Keating ayaa u gaarey caasimada Mareykanka si uu Gollaha Amaanka ee Qaramadda Midoobey ugu gudbiyey warbixin ku saabsan xaaladda dalka, taasoo ah kalimadiisii ugu dambeysay.

Haysom ayaa lagu wadaa inuu xafiiska la wareego 1-da bisha October ee sanadkaan 2018, xili la filayo in loo qabto munaasabad ay xilka ku kala wareegayaan labadda Danjire, taasoo Muqdisho ka qabsoomi doonto.

Qoraal kooban oo uu danjiraha xilka ka degaya ee Micheal Keating soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ayuu shaaca uga qaaday inuu kala hadlay Haysom dhowr arrimood ku saabsan dalka.

"Waan ku farax-sanahay inaan waqti kula qaato New York ninka i bedalaya, Nicholas 'Fink' Haysom, kaasoo xafiiska la wareegi doono 1-da October. Wax badan ayaan kawada hadlnay. Waa farxad inuu wax badan ka garanayo Geeska Afrika," ayuu yiri Keating.

Nicholas 'Fink' Haysom oo u dhashay wadanka South Africa ayaa horey ugu soo shaqeeyay dalalka South Sudan iyo Afghanistan, waana sharci-yaqaan, kaasoo u olaleeya arrimaha Dimuqraadiyadda, iyo dowlad wanaaga, sida ku cad taariikhdiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM