Kenya: 11 qof oo ku dhimatay Shil ka dhacay duleedka Garissa

Image

GARISSA, Kenya - Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen Shil gaari oo ka dhacay Maanta oo Talaado ah wadada Bangal oo ku taalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Taliyaha Booliska gobolka Tana River, Walter Aliwa ayaa xaqiijiyay in shilka uu dhacay saaka kadib markii Garai Bus ah, oo rakaab siday uu ku dhacay Gaari Nooca xamuulka ah, oo wadey qalabka dhisamaha.

"Haa, waxaa dhacay Shil dhowr qof ayaana ku dhaawacay. Wali ma ogi tirada dhabta ah ee ku geeriyootay. Booliska gobolka ayaa tagey goobta, oo qiimeyn ku sameynaya Khasaaraha," ayuu yiri Walter.

Gaariga Bus-ka ah oo leh Shirkadda Sabrin ayaa kasoo safray magaalada Wajeer, waxaana uu kusii jeeday Nairobi, kahor inta uusan shilka ku galin wadada Bangal, ee u dhaxaysa Mwingi iyo Garissa.

Xafiiska Shirkadda Bus-ka ee Sabrin ay ku leedahay  degmada Wajeer ayaa xaqiijisay dhimashada 11-ka ruux, kuwaasi oo ahaa dad rakaab ah oo kusii jeeday Caasumadda dalka Kenya, ee Nairobi.

Sidee kamid ah 11-ka qof waxay la socdeen Gaariga Bus-ka ah, halka 3-da kale ay saaranaayeen midka Xamuulka, waxaana la xaqiijiyay inay jiraan 30 qof oo dhaawacyo ah, kuwaasi oo 7 kamid ah ay Xaaladooda liidato.

Gaariga Bus-ka ah, ayaa xalay kasoo tagey magaalada Wajeer saacadu markay ahayd 4 p.m. oo ah xalay saqdii dhexe, wuxuuna shilka galay 9 a.m. (saddex saac oo subaxnimo).

Shilkan ayaa loo sababeeyay xowliga uu ku socday Bus-ka, xilli habeen ah, oo wadadana burbursan tahay, waxayna dadka Goobjoogiyaashu sheegeen inay Darawalka uu lumiyay Koontaroolka markii uu kasoo hor-baxay Gaariga Xamuulka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM

Iran oo xukun daldalaad ah ku fulisay laba nin u basaasayeen Sirdoonka Israel 

Xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay bishii Febraayo ee sanadkan 2026.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 09:35AM