Kenya: 31 katirsan Shabaab ayaan ku dilnay Badhaadhe

Image

Kenya: 31 katirsan Shabaab ayaan ku
dilnay Badhaadhe

NAIROBI, Kenya - Militariga Kenya ayaa sheegay in 31 xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ku dileen howlgal ciidamada KDF ka fuliyeen degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.

War Saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanada Kenya, ayaa lagu sheegay in howlgal cirka iyo dhulka ah oo dhacay maalintii Axada ee lasoo dhaafay lagu bur-buriyay saldhigyo kooxdan kula hadlay degmadaas oo hoostimaada maamulka Jubbaland.

Saldhigyada la weeraray ayaa u ahaa Al shabaab kuwa Talis iyo Loojistikada, waxaana ay ku yaallaan deegaanka Sariirka oo 17KM u jira magaalada Badhaadhe.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii ciidamada sirdoonka Kenya ay heleen xog la xiriirta weeraro Al shabaab ay ka abaabulayeen saldhigyadaasi.

Kenya ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhaawaceen dhowr dagaalyahan oo Al shabaab katirsana, sidoo kalena ay kusoo furteen 11 qoryaha AK-47, 2 PKM, 4 bambo, 634 xabo oo rasaas ah iyo qalabka kale oo military.

Diyaaradaha dagaalka Helicopters-ka ayaa ka qeyb-qaatey weerarka lagu qaadey xaruumaha Al shabaab ee degmada Badhaadhe, ee gobolka Jubbada hoose, sida lagu sheegay War saxaafadeedka Militariga Kenya.

Al shabaab wali kama aysan hadlin warka kasoo baxay Kenya ee ku aadan weerarka Badhaadhe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM