​Kenya: 33 ruux oo ku dhintay Naivasha

Image

NAIROBI, Kenya- Booliiska dalka Kenya, ayaa xaqiijiyay dhimashada 33 ruux kadib markii xalay dab qabsaday Booyad wadday gaaska cuntada lagu karsado, taasoo shil ku gashay inta u dhaxaysa magaalooyinka Nairobi iyo Naivasha.

"In kabadan 30 ruux ayaa la xaqiijiyay in dhinteen, kabadan intaasna waxaa dhaawacmeen, kadib markii ay gubteen wax ka badan 11 gaari, kuwaasoo ku gubtay shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Nairobi-Naivasha," Sidaas waxaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Pius Masai oo madax u ah waaxda dalkaas u qaabilsan masiibooyinka.

Mid kamid ah baabuurta gubtay, wuxuu siday 14 qof oo shacab ah kuwaasoo dhammaantood ku geeriyooday masiibadaas.

Tarafikada dalka Kenya, ayaa ku warantay in shilka uu sababay darawalka gaariga kadib markii uu xadidi waayay Booyadda Gaas-ka waday oo kasoo dagaynaysan buur.

Warbaahinta Kenya qaar ayaa ku warantay in dhimashadu ka badantahay 50 qof.

Gaariga shilka galay ayaa la sheegay inuu shidaal u waday dalka Uganda, kahor intaysan masiibadu ku qabsan waddo mashquul badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Diyaariyay Qorshaha Duullaanka Dhulka ee Iran

Dhanka kale, kumanaan askari oo ka tirsan Marines-ka Mareykanka iyo ciidamada badda ayaa loo dirayaa gobolka.

  • Caalamka

    22-03-2026

  • 07:39AM

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM