Kenya: Al-shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda weerarka Jaamacadda

Image

April 2, 2015 (GO)- Uruka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka goor hore ee saaka ah lagula wareegey dhismaha jaamacadda Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Af-hayeenka guud ee Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in kooxda weerartey Jaamacadda Gaarisa ay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Cali Dheere wuxuu sidoo kale sheegay in raggaasi dhammaantood bed qabaan islamarkaana ku guuleysteen hawlgalkii loo direy, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa shaacisey in khasaaraha weerarku marayo ilaa iyo hadda 65 qof oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda weerarka soo qaaddey ayaa weli jirta gudaha jaamacadda, waxayna haystaan tobannaan qof oo ardey u badan iyo qaar kamid ah macallimiintii jaamacaddaas wax ka dhigayey.

Ciidamada militeriga ayaa ku hareeraysan goobta, waxaana ilaa hadda la maqalayaa rasaas goos goos ah.

September 2013, weerar noocan oo kale ahaa oo Al-shabaab ka fulisey suuqii Westgate Mall ee magaalada Nairobi waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad toddobaatan qof oo badankoodu rayid ahaayeen.

Weerarro kale oo Al-shabaab xilligaas kaddib ka fulisey gobolka waqooyi bari ee Soomaalidu degto, waxaa ku dhintey ku dhowaad boqol qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM