Kenya: boroordiiq socota iyo nin kamid ah kuwii weerarka fuliyey oo la aqoonsadey

Image
Image

April 5, 2015 (GO)- Af-hayeen u hadley Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa xaqiijiyey in la aqoonsadey mid kamid ah afartii nin ee fulisey weerarkii khasaaraha badan geystey ee Al-shabaab ay la beegsatey Jaamacadda Gaarisa.

Ninkaas oo Soomaalida Kenya ka tirsan waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxiim Maxamed Cabdullaahi. Aabihiis Maxamed Cabdullaahi ayaa horay usoo noqdey guddoomiyaha deegaanka Jamhuri ee hoos taga Mandheera.

Cabdiraxmaan oo ka baxay kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Nairobi waxaa la waayey sanad kahor, waxaana loo badinayaa in waqtigaas uu ku biirey Al-shabaab.

Dhanka kale, dalka Kenya waxaa maanta ka bilowdey saddex maalmood oo baroor diiq ah oo loo sameynayo dadkii ku dhintey weerarka Jaamacadda.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo goob fagaare ah kumannaan qof kula hadley, wuxuu sheegay inaysan ka hari doonin kuwii weerarkaas geystey. Uhuru ayaa sidoo kale beeniyey in dadka muslimka ah ee Kenya ku nool la dhibaateeyo.

Weerarkii lagu soo qaadey Jaamacadda Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya oo ku dhowaad 150 qof lagu diley waxaa mas'uuliyaddiisa sheegtey ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM