​Kenya oo beenisay hadalka Madaxweynaha Somalia

Image

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in Kenya weerarkii Ceelcadde looga dilay ku dhawaad 200 oo askari xilli uu bixinayay waraysi uu siiyay mid kamid ah Telefishinnada Somalida, waxaana durba Jawaaba ka bixisay dowladda Kenya gaar ahaan ciidamda qalabka sida ee dalkaasi.

“Marka 180 illaa 200 oo wiilashii aad usoo dirtay nabad soo celinta Soomaaliya la dilo subax qura, ma ahan wax fudud,”Ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.

Afhayeenka ciidamada Kenya David Obonyo oo ka hadlayay hadal Madaxweynaha Somalia ka sheegay dalka Turkiga ayaa beeniyay in gobolka Gedo gaar ahaan Ceelcadde looga dilay askar cadadkoodu intaasi le'egyahay.

Isaga oo la hadlayey waregeyska The Star ee Kenya ayaa Obonyo wuxuu sheegay “Madaxweynaha Soomaaliya waxaan filaa inuu la koox yahay Al-Shabaab, tirada uu sheegayo waa wax aad uga fog tirada cutubka ka koobnaa”.

Hadalkan ayaa yimi xilli aan weli si cad loo xaqiijin tirada ku dhimatay weerarkii Ceelcadde gobolka Gedo, waxaana soo baxaya warar is-khilaafsan oo ku aadan tirada rasmiga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM