Kenya oo bilowday inay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Ciidanka Difaaca ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa in Soomaaliya ay isaga baxaan labada sano ee soo socota, sida uu qoray Wargeyska The Standard, kaasoo soo xiganaya qaraar kasoo baxay Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

22-ka December ee sanadka 2020 ayaa waxay noqon doontaa waqtiga loo qabtay in Kenya ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, waxaana meelaha ay ka bixi doonaan ay kamid yihiin gobolada Jubba Hoose iyo Gedo oo ay inta badan joogaan.

Ka bixitaanka Ciidanka Kenya ee Soomaaliya oo ka tirsan AMISOM ayaa qeyb ka ah qorshaha guud ee la doonaya in amaanka dalka Soomaaliya lagu wareejiyo ciidanka xooga Soomaaliyeed, kadib marka ay baxaan ciidamada AMISOM sanadka 2020.

Ciidamada Kenya ayaa soo galay gudaha Soomaaliya 2011, iyagoo fulinaya howlgalkii "Operation Linda Nchi" (Difaac dalka] kaasi oo looga hortagayay weerarada iyo afduubka xilligaasi Al Shabaab ka geysanaysay dalkooda.

Waxay sanadkii 2012-kii si toos ah uga mid noqdeen Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, waxaana loo xilsaarey gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, ee Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa ka jooga Kenya Soomaaliya Boolis iyo ciidamo Militari ah, kuwaasoo magaca Howlgalka Midowga Afrika ku howlgala.

Soo gelitaankooda Soomaaliya, waxay marar badan ay ku macneeyeen madaxda Kenya inay tahay adkeynta amaanka dalkooda iyo inay ka hortagaan weeraro ka yimaada AlShabaab oo weeraro dhiig badan ku daatay ka fuliyay Kenya.

Sanadkii hore, 200 Askar oo ka tirsan ciidanka Kenya ayaa isaga hayaamay Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah qorshe sanad walba howlgalka looga dhimayo 1,000 Askar, iyadoona sanadkaan lagu wado in ka baxaan dalka isla tiradaas oo kale.

Warkaan ku aadan in ciidamada Kenya ay ka baxayaan Soomaaliya ayaa imaanayaa iyadoo dhowaan Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu kordhiyay waqtiga ay AMISOM ka howlgalayso Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM